labadaa urur xaqiiqdii waxaa eey ka wada siman yihiin macno ahaan dhalinyaro jecel xornimada dalkooda hooyo midna waxaa uu soo shaac baxay qarnigii 19aad xiligii Somalia uu ku soo duulay gumeeystihii cadaa ee reer yurub midna waxaa uu soo shaac baxay qarnigaan 21 aad markii Ethiopia oo wehe-shaneeysa USA iyo reer yurub eey ku heshiiyeen in dalka Somalia loo gacan geliyo cadowgii qadiimiga ahaa ee Somalia kala dhaxeeyay dagaalka soo jireen ahaa waa Ethiopia xaqiiqdiina cidna kama qarsoona in caalamka uu ka danbeeyo qabsashada Ethiopia dalka Somalia.haddii al-shabaab qarnigaan lagu sheegay argagixiso waxaa hubaal ah in SYL na eey aheeyd argagixiso qarnigii 19 aa,Bush ayaa ku tilmaamay argagiso cidwalba oo u dagaalameeysa xorminada dalkeeda iyo dadkeeda (freedom fighters of Somalia),koleey umada Somalia waxaa eey u aragtaa qorshaha mareeykanka ee ah qeeybi oo xukun,waxaa la kala qeeybiyay ururkii maxkamadaha islaamka oo runtii ahaa urur sumcad weeyn ku soo yeeshay nabadeeynta dalka,lahaana hal mabdá oo kaliya,waxaan jeclaan lahaa in kala qeeybsanaanta ururkii maxkaakiimta xiligaan in Somalia uusan ugu jirin maslaxad,waxaan Ilaah magaciisa ku weeydiisanayaa in ragii soo wada shaqeeyay laga dhexsameeyo islaax waayo umada Somalia waxaa eey sugeeysaa rajadeedana eey tahay sidii eey u soo noqon laheeyd cadaalada shareecada islaamka kuwi hirgelin lahaa, waad aragtaan guushii waa eey soo dhawdahay, waxaa foolxuma ah in aad dagaalantaan iyada oo eey umada isinka sugeeysay nabada iyo wadanoolaansho somalianimo, waxaan marna la aqbali Karin in qaarkiin qaarka kale loo tuso in uu cadow ku yihiin,waxaa foolxuma ah in qaarkiin eey la heshiiyaan Maquuste & cadowga Ethiopia waxaan leeyahay waa la doogiye yaan la dacaroon.
Cadeeynta in caalamka uu ka danbeeyo qabsashada Ethiopia dalka Somalia
Shirkii Imbagaati waxaa qaban qaabiyay dowladaha aduunkan ugu tunka weeyn iyo ururo waa weeyn oo uu ka mid yahay midka ururka qaramada midoway,ujeedada waxaa eey aheeyd oo runtii umada Somalia iyo aduun weeynaha loo sheegay in la soo gaaray xiligii dalka Somalia loogu sameeyn lahaa dowlad soo celisa kala danbeeyntii iyo xasiloonidii dhuntay 1991 waa sida filmka uu ku socday, su´aasha xiligaan mudan in qofwalba oo Somalia ah isweeydiiyaa waxaa eey tahay dowladii Imbagaati caalamka dhaqaalaha faraha badan ku bixisay ujeedadii loo dhisay ma waxaa eey aheeyd in shacabka reer Muqdisho lagu gumaado ??? in la gumaado culumadii, haweenkii caruurta ???? ma waxaa loo sameeyay in la burburiyo ilahii dhaqaalaha dalka, in Tigree uu Muqdisho calankii Ethiopia ka dul babiyo caasimadii dalka ???? Dabcan haaaaaa waayo weli lama hayo cid ka damqeeysa dulmigaa weeyn ee arxandarada ah ururka ugu weeyn caalamka ee UN ka waxaad moodaa in uu yahay hooyadii gumeeysiga dhabarka ku siday intii warbixino ama qaraaro uu gaaray mid laga hirgashay lama arag sida 1992 qaraarkii tirsigiisu ahaa 733 ee qeexayay in dalka somalia aanan la geeyn karin hub,waxa loo yaqaan cuna qabateeynta hubka ee dalka somalaia,sida oo kale qaraarkii 2006 ee tirsigiisu ahaa 1725 ee qeexayay in dalka somalia eeyan marna soo geli karin dalalka deriska ah somalia sida EthiopiaKenyaJabuuti iyo Yemen, waxaad moodaa in caalamka uu dhagaha uu ka fureeystay kuna xadgudbay sharciyadii lagu heshiiyay 1945 dhismihii Un ka,weli cid canbaareeysay lama hayo Ethiopa iyo USA oo runtii xiligaan ah xulufada ugu xadgudbibta badan sharuucda caalamiga.Al-Shabaab ama MMI waa freedom fighters of Somalia shacabka Somalia ayaa xiligaan ah freedom fighters of Somalia.
Qarnigaan aan joogno waxaa hubal ah in eey sii yaraaneeyso hamiga iyo rajada ka mid ahaanshaha UN ka, waayo waxaa soo baxaysa in quwadaha aduunka ugu tunka weeyn eeyan marna tixgelin sharuucda caalamiga ee lagu heshiiyay, waxaad dib u fiirisaa USA oo runtii noqotay mida iyada laga amar qaato,dagaalii lagu qaaday Iraq marnaba lama ogoleeyn in USA eey dagaal ku qaado Iraq iyada oo aanan fasax laga haysan UN ka, waxaad mooda in caalamka ´qaasatan dalalka afrikaan ah in eey taagan yihiin qoomamo xoog leh ka mid ahaan shaha ururka qaramada midoobay,waxeeyna ku sabbabeeynayaan in baahidii iyo kalsonii UN ka eey noqotay in eey aduunka ku soo celin weeydo nabad balse eey awoodi weeyso in canbaareeyso fal-danbiyeedyada caalamka ka dhaca,sida midka somalia,UN ka waxaa eey awoodi weeyday in eey sheegto xadgudubka qaraarada eey soo saarto,ururka qaramada midowbay waxaa lagu haystaa afduub xoog badan qaasatan dalka USA oo noqday midka aanan weligiis tixgelin waxa uu saxiixay.Waxaan leeyahay waxaa la soo gaaray xiligii UN ka qiran lahaa danbiyada eey caalamka ka galayaan sida somali I think the time has come to see what international justice can do to help Somalis.Waxaan ku soo gaba gabeeynayaa xeerarka caalamiga ee Un ka waa in aan ka qaadanaa waxa aan xaqa ugu leenahay diidnaana in umada somalia in eey gumaadaan kuwa qaramada midoway ka midka ah saxiixayne xeerarka UN ka.